XUDUR (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi dad shacaba ay ku laayeen ciidamo ka tirsab kuwa Maamulka Koofur-Galbeed.

Iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay xiisad ka taagnayd Magaalada Xudur taasoou dhexeysay dadka Xudur iyo Maamulka C/casiis Laftag-gareen oo kala direy maamulkii iyo golihii deegaan ee halkaasi ka jirey ayaa waxaa ka hor yimid shacabka Magaaladaasi.

Advertisement

Murankii dadka deegaanka iyo Maamulka Koofur-Galbeed u dhexeeyay ayaa keenay in maanta ciidamada maamulka Koofur-galbeed ay rasaas hoos ugu dhigaan shacabka sida wararku tilmaamayaan taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac.

Rasaasta ciidamadu fureen ayaa ka dhalatay markii ciidamada Koofur-galbeed dhawaan xireen dad shacaba oo hal jufo u badan taasoo keentay in shacabka reerkaasi oo uu la socdo Nabadoonka qabiilka ay soo aadaan xabsiga Magaalada Xudur iyagoo dalbanayay in dadka xiran  loo sii daayo balse muran ka dhashay ayaa sababay rasaastaani ciidamadu shacabka ku laayeen.

Inta laga war hayo waxaa rasaastaasi ku dhintay Nabadoonkii qabiilka iyo 3 kale oo dadkii isku soo baxay ee shacabka ahaa ka mid ah halka kuwo kalana dhaawacmeen.

Open photo

Lama yaqaan sida Maamulka Madaxweyne C/casiis Laftagareen u xalin doono mashaqadaani oo laga yaabo inay sii laba kacleyso.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here