Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa war uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu madaxda Dowlada Somalia ku eedeeyay inay soo celinayaan dhalinyaradii Soomaaliyeed ee duruufuhu geeyeen Dalal ka mida Yurub sida Germany.
Qoraalka Siyaasigaan oo ka mid musharixiintii ugu cad cadaa doorashii xilka madaxweynaha ee sanadkii 2022 hana ka mida musharixiinta la saadaalinayo inuu markaan ku guuleysan doono ayaa sidan u qornaa:-
Waxaa nasiibdarro ah in seddaxdii sano ee la soo dhaafay ay dalka ka qaxayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka wax ku baratay, kuna tababartay hay’adaha dalka.
Dhallinyaradaas iyo qurbajoogta kale ee Soomaaliyeedba dalka ugama tegin jaceyl ay u qabaan dalal shisheeye ee waxaa ku khasbay duruufaha ka jira dalkeenna.
Madaxda dowladda waxaa mas’uuliyad qaran ka saaran tahay in ay wax ka beddelaan duruufaha murugsan ee sababay in dadkeennu qaxooti ku ahaadaan qurbaha, dadka Soomaaliyeedna u abuuraan rajo iyo mustaqbal ifaya, oo dadka dalka ku nool ku dhiirrigelinaya in ay ku nagaadaan dalkooda hooyo, ayna ku soo hiran karaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku firirsan dunida dacalladeeda.
In Madaxweynaha Dalku saxiixo heshiis dalka Jarmalka looga soo tarxiilayo dad Soomaaliyeed, iyadoo aysan dowladdu wax ka beddelin duruufihii dalka ee ay ka tahriibeen, una diyaarin qorshe nololeed, fursado shaqo, iyo mustaqbal yididiilo leh oo ay u soo noqdaan, waxay muujinaysaa qorshe la’aanta iyo mas’uuliyad-darrada dowladda. Waxaana ayaandarro ah in Madaxweynaha Dalku uusan fahamsaneyn saameynta uu go’aankani ku yeelanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida.
Waxaan madaxda qaranka ugu baaqayaa in ay marka hore u istaagaan diyaarinta qorshe qaran oo fursado nololeed iyo shaqooyin loogu abuurayo dhallinyarada ku nool gudaha dalka, xal waarana loogu helayo dhallinyarada dalka ka sii hayaamaysa inta aanan la qaadin tallaabooyin dalka dib loogu soo celinayo dad Soomaaliyeed oo qurbajoog ku ah dalka dibaddiisa.
Advertisement