Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan balaaran oo looga hadlayo doorka Dhalinyarada ee Doorashada tooska ah caawa ku qabanaysa magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa ka qayb gali doona masuuliyiin ka tirsan dowladda, Bulshada Rayidka, Aqoonyahano ka soo shaqeeyay Doorashooyinka iyo marti sharaf kale.
Dhalinyarada oo ah qaybta ugu badan Bulshada Soomaaliyeed ayaa kaalin wayn ku leh isbadalka dalka iyo hirgelinta Doorashada Tooska ah ee qof iyo codka ah oo la qorsheeyey inay dalka ka dhacdo.
Advertisement