NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Eedeysane Haashim Dagane Muxumed oo dhawan Booliiska Kenya soo qabteen iyadoo loo heysto ama lagu soo eedeeyay inuu yahay qofkii dhawaan Nairobi ku dilay hal mar hooyo iyo labadeeda gabdhood ayaa hadana maanta waxaa soo baxday inuu ka danbeeyay dil ka horeeyay oo gabar loo geystay.
Waaxda Dambi-baarayaasha Kenya ee DCI ayaa war ay soo saartay maanta waxay ku sheegtay inay baaraso meyd la jarjaray oo laga helay qabuuraha Langata ee Nairobi 31-kii bishii Oktoobar ee sandkaan.
Waaxda Dambi-baarayaasha Kenya waxa intaasi ku dartay inay heleen cadeymo ku saabsan inuu isla isaga ka danbeeyo gabar dhawaan inta la dilay hadana hilibkeeda la jar-jaray.
DCI waxay heshay oo ay soo bandhigtay muuqaalo laga helay kaamirada qarsoon taasoo cadeyneysa in Haashin gabadhaasi dilay kadibna uu hilbaheeda baco ku qaaday.
Kaamirada waxaa ka soo muuqday gabadha oo suuqa ka adeegatay kadibna aaday gurigeeda oo ku yaal xaafada Lavington ee Magaalada Nairobi,markii kaamirada guriga la sii tixraacayna waxaa la arkay isagoo gabadha la fadhiya ,sidoo kale waxaa la arkay sida waxda danbi baarista kenya shegtay isagoo ka soo baxaya guriga xili uu gacanta ku wado baco madow oo loo maleynayo qeybo ka mida jirka gabadha la dilay.
Qabuuraha Langata ee Nairobi ayaa dhamaadkii bishaan Oktobar waxaa laga helay meydka gabar la jarjaray jirkeeda taasoo dabagalkuna xusayo inay tahay gabadha uu Haashim la fadhiyay ee Booliiskana loo soo gudbiyay maqnaanshaheeda.
Ninkaan oo Soomali ah dhawaan Booliiska Kenya qabteen ayaa hore loogu heystay dilka Hooyo Soomaaliyeed iyo labadeeda gab-dhood.
Waaxda danbi baarista Kenya waxay shaacisay in baarista inta ka dhiman ay la wadaagi doonaan bulshada iyo saxaafada islamarkaana ay xaqooda heli doonaan ehalada dadka la laayay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM