=XIGASHO BBC SOMALI=
Madaxweynaha Sooomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo shalay booqasho ku tagay dalka Jarmalka ayaa halkaas kula kulmay hogaamiyaha Jarmalka Olf Scholz, oo ay arrimo dhowr ah ka wada hadleen.
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa booqasho rasmi ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku joogo Jarmalka taas oo ku timid casuumad uu ka helay hoggaamiye Scholz.
Sida lagu daabacay bogga Facebook ee Villa Soomaaliya labada hoggaamiye ayaa kulankoodii diiradda ku saaray arimo ay ka mid yihiin taageeridda dadaalka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga ka dib dhammaadka hawlgalka ATMIS, tababbarista iyo tayaynta ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay ugu filnaadaan xaqiijinta nabadgeliyada dalka.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha arrimaha qaxootiga iyo magangalyo-doonka.
Waxay ka wada hadleen arrimaha qaxootiga iyo magangalyo-doonka oo uu Jarmalka ka mid yahay meelaha ugu badan ee lagu soo dhaweeyo dadka ka soo haajira duruufaha colaadeed iyo kuwa nololeed ee ka jira meela dunida ka mid ah.
Hoggaamiye Scholz ayaa sheegay in Soomaali kummaanaan gaaraysa ay qeyb ka yihiin dadka magangalyada ka helay Jarmalka, kuwaas oo hadda kaalin wanaagsan ku leh horumarka iyo wada-noolashaha guud ee bulsho-weynta dalkaas.
Dhanka kale waxaa uu Olaf xusay in ay jiraan tiro aad u yar oo muhaajiriin Soomaaliyeed oo sharci darro ku jooga dalka ka dib markii ay dambiyo galeen.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhankiisa sheegay in ay soo celinayaan dhammaan qaxootiga Soomaalida ah ee halkaas sharci darada ku jooga, sida ay qortay warbaahinta gudaha ee Jarmalka.
Cabdifataax Maxamed Cabdikaliil oo arrimaha bulshada ka faallooda kuna nool dalka Jarmalka ayaa sheegay in qodobka qaxootiga oo ay warbaahinta gudaha aad u hadal haysay aysan ku farxin Soomaalida.
“Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in dhammaan qaxootiga Soomaalida ah ee Jarmalka jooga inta bilaa sharciga ah, inta dambiyada gashay iyo intii dalkan la qabsan weyday uu dib u soo celin doono,” ayuu yiri Cabdifataax Maxamed Cabdikaliil.
Maxay tallaabadani uga dhigan tahay bulshada Soomaalida ah ee Jarmalka ku nool?
“Horta qodobkan qaxootiga ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ahaa qodob diyaarsan oo dwoladan Jarmalka iyaga macno weyn ugu fadhiyay ee Ahaana qodob la doonayay in doorashada lagu galo maaddaamaa sannadka soo socda ay doorashooyinka dhacayaan”, ayuu BBC da u sheegayCabdikaliil.
“xisbiyadii midigta fog ee cunsuriyadana aad u kacsan yihiin, dowladuna ay imika diyaar u tahay si kasto oo ay ku qancin karto shacabka inay tursto in qaxootiga noqonayo ama dalwalba ay dowladiisu ay la noqoneyso,”.
Balse Soomaalida marka loo eego ayuu sheegay in arrintani horseedi karto in dambku ka damo qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha Soomaaliya.
“Runtii waxaa dalkan Jarmalka jooga dad badan oo Soomaali ah oo sharci la’an ah oo shaqeysta, qoysas biila oo garab weyn u ah dadkooda Soomaaliya jooga.”ayuu yiri yiri Cabdikaliil.
Waxa uu sheegay in tirada Soomaalida ah ee ku nool Jarmalka lagu qiyaaso ilaa 65 kun iyadoo tirada sannadkan 2024-ka keliya soo gashay ee la diiwaan geliyayna uu ku sheegay shan kun iyo siddeed boqol oo qof.
Dhinaca kale waxaa tallaabadan walaac xooggan ka muujiyay Maxamed Cabdullaahi Faraxaley oo ah guddoomiyaha hay’adda Seko.
“Aad buu anaga ahaan warkaasi noogu ahaa war aan ka naxnay oo aanan filanayn, shacaba Soomaaliyeed ee Jarmalka jooga kuwa dhalashada haysta iyo kuwa aanan haysan kuligood wuxuu ku ahaa arrin aanan marna farxad gelineyn, waxa ayna maqleen wax ayna madaxweynahooda ka filanayn,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Faraxaley.
Waxa uu sheegay in la qorsheynayay in madaxweynaha iyo bulshada ay kulmaan si ay dhibaatooyinka ay qabaan ugala hadlaan.
Horay ayaa wadamo ay ka mid yihiin dalka Maraykanka waxay Soomaaliya dib ugu soo celiyaan dad sharci la’aan joogay dalalkoodu, waxaana kuwa badan ay haatan ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.
=XIGASHO BBC SOMALI=