Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirweynaha u Adkaysiga Aafooyinka Soomaaliya ku soo laa-laabta, waxaana uu socon donaa muddo laba maalin ah.
Shirweynahaan waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho, waxaana daahfuray Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XJFS Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh.
Shirkaan waxaa looga arrinsanayaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda, ururrada caalamiga ah iyo khubarada si loo horumariyo awoodda dalka ee u adkeysiga aafooyinka.
Shirkaan waxaa ka qeybgalaya Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Arrimaha Qoys iyo horumarinta xuquuqul insaanka, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta, Hoggaanka Jamaacadda Muqdisho iyo Masuuliyiin kale.
Advertisement