MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumada Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir ayaa oo maanta ka hor hadlay fadhiga baarlamaanka kadib ansixintii hindise sharciyeedka tacliinta sare ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada talaabada wanaagsan ay qaadeen.
Wasiirka wuxuu sheegay in hindisahaan ka hor ansixinta uu maray turxaan bixin ay ku sameeyeen xildhibaanada sida inay meelaha qaar wax ka badaleen islamarkana ka saxeen.
Wasiirka ayaa dhanka kale xusay in Somalia ka mid tahay dalalka ugu hooseeya ee dadkiisu helaan waxbarashadii ay u baahnaayeen.
“dalkeena waa dalka ugu hooseeya marka la eego dalalka dunida ee hela fursaa wax barashada, yaci 33% ayaa da’da gaarta waxbarashaada hela fursad waxbarasho nuucii ay doonto ha ahaato, taasina macnaheedu waa in dadkeenu i67% oo u dhexeysa 6 jir ilaa 18 jir oo dhowr milyan ma helaan fursad waxbarasho “ayuu yiri Wasiirka waxbarashada.
Sidoo kale Wasiirka wuxuu sheegay in hadii aanan dadkeema wax a barin inaan laga baxeyn labada aafo ee ugu waa weyn kuwaasoo Somalia dhibaato ku ah.
“aafada koowaad waa wax loo yaqaan cunfiga ama gacan ka hadalka la yiraa ,daraasaadka dunida waxay sheegaan in qofka marka uu helo waxbarasho hal sano ah oo sax waxaa hoos u dhaca 25% inuu ka qeybqaato dagaalada sokeeye ,maaha dagaalada dalka lagu difaacayo, wuxuu is weydiinaa sabab dad u leyneysaa oo qorey u qaadeysaa, marka hadii uu helo fursada 4 sano oo waxbarasho waa u dhamaatay fursad ah inuu dagaal sokeeye ka qeybqaato” ayuu yiri wasiir C.qaadir
“aafada 2-aad waa faqriga waxaan ka mid nahay wadamada ugu saboolsan ,marka dadku faqri kama bixi karaan ilaa waxbarasho la helo”ayuu yiri mar kale wasiirka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM