MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Xarunta Golaha shacabka kulan muhiim ah ku yeeshay Xildhibaanada Faderaalka Soomaaliya waxaana shir gudoomineysay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka.
Kooramka oo ku furmay 141 mudane ayaa waxaa la guda galay ka doodista hindise sharciyeedka tacliinta sare ayaa ugu danbeyn u codeeyay madaama hore loo soo lafa gurey , loona soo turxaan bixiyay.
Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ansixiyay Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ay soo gudbisay, waxaana ogolaatay 140 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, cid ka aamustay ma jirin.
Shirka maanta ayaa ahaa mid jawigiisu degan yahay iyadoo aayado quraana lagu furey sidii caadiga ahayd ilaa uu si hagaasan ku soo xirmay mooshinkiina wasiirka waxbarashada uu watayna la meel meriyay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM