DJABUTI (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha dibada Dowalda Turkiga Hakan Fidan  ayaa maanta saxaafada u sheegay isagoo ku sugan Dalka Jabuuti inay wadaan dadaalo ay ku heshiisiinayaan Somalia iyo Itoobiya.

Wasiirka wuxuu soo jeediyay qorshe Somalia iyo Itoobiya isku soo dhaweyn kara sida uu aamisan yahay taasoo ah in Itoobiya la siiyo dekad iyadoo loo marayo qaab sharci ah oo labada dhinac ku wada qanacsan yahay.

Advertisement

Wasiirka carabka ku adkeeyay inay lagama maar-maan tahay in Itoobiya tixgeliso madax banaanida dhuleed ee Somalia si loo gaaro hesdhiis labada dalba ku wada qanci karaan.

Wasiirka arimaha dibada Turkiga mar uu ka hadlayay is faham guud oo labada dal ay gaaraan ay u baahan tahay in laga gudbo caqabadaha taariikhiga ah ee culeyska ku haya madaxda labada dal,islamarkaana heshiis laga gaaro baahida hada taagan taasoo u fasirmeyda in Somalia Itoobiya u ogolaato inay bada somalia si sharci ah wax ugala soo degaan walow madaxweyne Xasan hore ugu celceliyay inay Somalia ogoshahay badeeda in lagu soo gaaro sifo sharci ah.

Dhanka kale Wasiirka wuxuu warkiisa ku cadeeyay in soo jeedintiisa uu la wadaagay dhiggiisa dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayna isla faaqideen faa’iida ku jirta in la heshiisiiyo Somalia iyo Itoobiya si gobolka xasilooni loogu helo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

تركيا تدعو للاعتراف بسيادة الصومال وتوفير منفذ بحري لإثيوبيا

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here