MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Nin wadaad ah oo Masaajid iimaan ka ah ayaa xalay wuxuu tagay Farmashi ku yaal xaafada siliga ameerikaanka ee degmada Dharkenleey iyo halka ay iska galaan Hodan iyo Dharkeenleey wuxuuna ka dalbaday in cirbad lagu duro.

Wadaadka markii cirbada lagu durey ayuu geeriyooday lamana yaqaan sababta balse waxaa goobta soo gaaray ciidamada Dowlada Somalia kuwaasoo xirey ninkii Farmashiyaha lahaa.
Sidoo kale waxaa la sheegay in cirbada aysan ugu horeyn tii xalay uu sababsaday oo horeba maalmahaan uu cirbada ila faramashiyahaasi uu isaga duri jirey balse ugu dambeyn uu xalay sababsaday una dhintay.

Waa dhacdadii labaad oo asbuuc gudihiisa sidaan oo kale ka dhacda Muqdisho markii qof cirbad lagu durey uu u dhintay, dhawaan ayay ahayd markii nin askari ahaa u dhintay cirbad looga durey Farmashi iyadoo sida xalay la xirey ninka faramashiyaha lahaa.

Advertisement
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here