QAZA (DAYNIILE.COM)-Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa ka digaysa in xaaladda bini’aadantinimo ee Gaza ay dhawaan u gudbi karto macaluul iyadoo ciidamada Israa’iil ay sii wadaan inay si ba’an u xaddidaan gelitaanka cuntada iyo sahayda kale ee soo gelaysa deegaanka.

Israa’iil waxay si rasmi ah u ogeysiinaysaa Qaramada Midoobay go’aanka ay xidhiidhka ugu jartay hay’addeeda qaxootiga falastiiniyiinta (UNRWA).

Advertisement

Ciidamada Israel ayaa weerar ku qaaday cisbitaalka Kamaal Adwan ee waqooyiga Gaza, iyaga oo si xun u dhaawacay ilmo yar, isla markaana waxyeelo u geystay goob lagu xanaaneeyo xarunta, waxaanay adeegsadeen diyaarad aan duuliye lahayn oo rasaas ku riday albaabada iyo gidaarada cisbitaalka Indonesia ee u dhow.

Xasuuqa Israa’iil ee Gaza ayaa dilay ugu yaraan 43,341 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 102,105 tan iyo Oktoobar 7, 2023. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

Lubnaan, ugu yaraan 2,897 qof ayaa lagu dilay 13,402 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka Qaza billowday, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here