Iyadoo ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay ku sugan yihiin Ruushka, Kuuriyada Koonfureed ayaa la socota dhaq dhaqaaqa kuuriyada waqooyi.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa soo jeediyay in Seoul ay hub siiso Dalka Ukraine  taasoo calaamad u ah isbeddel weyn oo siyaasadeed.

Advertisement

Dowlada kuuriyada Koofureed ayaa maqashay in kumannaan askari oo Kuuriyada Waqooyi ah loo diray Ruushka si ay suurtagal u noqoto in la geeyo Ukraine, waxay billowday in ay internetka ka raadiso war sugaya waxa ay maqashay.

Madaxweynaha Kuuriyada koofureed waxa uu ka walaacsan yahay in xiisadda u dhaxaysa labada Kuuriya  ay uga sii dartay ku lug lahaanshaha kuuriyada waqooyi  ee la sheegay in ay ku lug leedahay dagaalka Ukraine, islamarkaana ay u gudbi karto iska horimaad hubaysan oo dhinacyada dhex marta.

Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa todobaadkii hore sheegtay in ilaa 10,000 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah ay tababar ku qaadanayaan dalka Ruushka, iyadoo Moscow ay doonayso inay xoojiso cududeeda ciidamadeeda dagaalka ku dhow saddexda sano ee soo socda, taasoo xaqiijinaysa hadallo ay hore u sheegeen sirdoonka Ukraine iyo Kuuriyada Koonfureed.

                                                            SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

South Korean K2 tanks are seen during a military parade

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here