MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shalay waxaa hoobiyayaal lagu weeraray xerada Xalane ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay degan yihiin shisheeyaha ugu badan ee Somalia ku sugan,sidoo kalana waa xarunta ciidamada Midowga Afrika ee ku jooga dalkeena magaca ATMIS.
Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa warsaxafadeed ay soo saareen waxay ku cambaareeyeen falkaasi madaafiicda lagu weeraray xerada xalane.
“Weerarkan waxashnimada ah kama celin doono annaga iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya inaan raadino nabad iyo amni waarta oo Soomaaliya ka dhacda. Waxaan xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay la dagaalanka argagixisada iyo dhisidda Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah”.ayaa lagu yiri warsaxafaeedka
Alshabaa war dhankooda ka soo baxay waxay iyaguna ku sheegteen weerarkani iyagoona xusay inay ku dileen madaafiicda ciidamo ka tirsan kuwa Atmis ee ku sugnaa xalane.
Alshabaab waxay shegeteen inay dileen 3 cadaan ah iyo 2 ugandhes ah,iyadoo warsaxaafadeedka Atmis-na lagu cadeeyay inay dhimasho jirto kadib markii ay tacsi u direen sida ay sheegteen inta ku geeriyootay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in madaafiicda ku dhacday Xalane ay sababtay dhimasho iyo dhaawayo oo gaaray dad ajaanib cadaana iyo ciidamada Atmis isugu jira iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM