MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamo ka wada tirsan Dowlada Somalia gaar ahaan milatariga iyo Boliis-Milataariya ayaa ka socda gudaha Jaamacada Gahayr ee Degmada Hodan magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa salka ku haya dhulka  jaamacada gaar ahaan qeybta jiifka oo Dowladu amartay in shacabku baneeyaan  balse waxaa diiday in shacabku baneeyaan ciidamo Milatari oo shacabka la saftay kuwaasoo qaarkood adeegsanayaan gaadidi dagaal.

Advertisement

Wararka qaar ayaa sheegaya in la gubay gaari caga-cagaf ah oo ku howlanaa burburinta qeybta jiifka ee Jaamacadii Gahayr.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa laga soo xigtay inaysan dooneyn in khasaaraha shacabku bato sidaas daraadeed aysan talaabo weyn qaadi karin.

Ciidamada Milatariga ee difaacaya shacabka ayaa la sheegayaa inay yihiin maleeshiyaad is urursaday oo ku reer ah dadka barakacayaasha ah ee goobta degan,.

Maleeshiyaadka shaatiga milataeriga xiran ayaa hada ku sugan halka lagu dagaalamay walibna Hay’adaha amaanka ee Dowlada wax war ah kama soo saarin dhacdadaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here