Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka Cabduqaadir Cali Dige ayaa baraha bulshada soo geliyay qoraal uu ku cadeynayo in uu iska casilay xilkaas.

Mr.Dige wuxuu xusay inuu shaqada uga tagay dhibaato iyo hagar-daamo ay ku hayeen shaqadiisa masuuliyiin uu sheegay inay Dowlada xilal ka hayaan.

WarkaĀ  Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka C/qaadir Cali Dige wuxuu ku soo aadaya xili 2 bil ka hor xilka laga qaaday kadib warqad kasoo baxday Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka kaasoo isla markaasna agaasimaha warfaafinta madaxtooyada u magacaabay C/raxmaan Xudeyfi.

Advertisement

Xudeyfi oo sidoo kale ah Afhayeenka Madaxweynaha Somalia ayaa isku haya xilalkaasi waxaana halkaasi ku soo afjarmay khilaaf ka dhex qarxay agaasimaha guud ee Madaxtooyada iyo agaasimihii warfaafinta madaxtooyada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here