Xafiiska warbaahinta ee dawladda Gaza ayaa ku warramaya in 84 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan in ka badan 50 carruur ah, lagu dilay laba weerar oo cirka ah oo Israa’iil ay ku qaadday dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla waqooyiga Qaza weerarro lagu tilmaamay xasuuq bahalnimo.
Mareykanka ayaa doonaya inuu Bariga Dhexe geeyo hanti badan oo milateri, sida maraakiibta dagaalka ee ciidamada badda, dagaalyahannada jet-ka iyo diyaaradaha wax duqeeya ee riddada dheer.
Wajiga saddexaad ee ololaha tallaalka cudurka dabeysha oo dib loo dhigay ayaa loo qorsheeyay inuu dib uga billaabo Gaza, kooxaha gargaarka ayaa sheegay, ka dib markii ololaha uu istaagay iyadoo ay Israa’iil weerartay shacabka waqooyiga Gaza taasoo keenta bara-kac ballaaran,sidoo kale ciidanku go’doomiyeen aagaasi ku dhawaad ​​hal bil.
Xasuuqa Israel ee Gaza waxa ku dhintay ugu yaraan 43,259 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 101,827 tan iyo October 7, 2023.
Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weeraradii ay Xamaas hogaaminaysay maalintaas in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
Dalka Lubnaan, ugu yaraan 2,897 qof ayaa lagu dilay 13,150 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza, iyadoo 30 qof lagu dilay guud ahaan dalka 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM