WAXAA QOREY XIL. C/RAXMAAN C/SHUKUUR WARSAME
Dad badan ayaa la fajacsan sida ay iskaga hor imaanayaan hadalladii xilligii uu Madaxweyne Xasan mucaaradka ahaa iyo ficilladiisa maanta. Waxaa yaabka sii kordhiya markii ay arkaan Madaxweynihii ka horreeyey oo ka waaninaya wixii uu isagu shalay ku kacayey.

Waa sunnada siyaasadda in siyaasigu xilliga uu dibad joogga yahay arki ogyahay qaladaadka qofka xilka haya, culayskuse wuxuu ka jiraa markii fursad laguu siiyo hoggaanka dalka si aad u saxdo.

Tan danbe, Tawfiiqda Alle ka sokow waxay ku xiran tahay inta uu la egyahay fahamkaada la xariira dalka iyo dadka aad xukumayso iyo duruufaha ay sugan yihiin, iyo in aad leedahay hal abuur iyo karti hoggaamineed, kuuna degsantahay istaraatiijiyad iyo qorshe cad, xulatana dad aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo leh.

Waxaadna sidaa yeeli kartaa oo qura haddii aad daacad tahay, hankaaguna reer hebel iyo hanti urursi dhaafsiinyahay, dhaxalreeb iyo dhigaal ummadeed ka fekerayso.

Haddii kale, waxay ku soo dhammaanaysaa in wixii aad shalay diiddanayd maanta ku kacdo, dadkana kuu arkaan qof aan miyir lahayn, siduu sheegay saynisyahankii caan baxay ee Jarmalka ahaa Albert Einstein ee waalida ku qeexayey in ay tahay “Ku celcelinta ficil isku mid ah adoo filaya natiijo aan tii hore ahayn”.
WAXAA QOREY XIL. C/RAXMAAN C/SHUKUUR WARSAME
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here