Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu Abaalmarinayay Kooxda Kubadda Cagta Degmada Kaaraan oo dhawaan ku guuleysatay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad ee 2024.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay Maamulka Degmada Kaaraan, Naadiga iyo taageerayaasha sida ay ugu qeyb qaateen Tartankii xiisaha badnaa ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad 2024, waxa uuna Abaalmarin Lacageed guddoonsiiyay Naadiga Kubadda Cagta ee Degmada Kaaraan iyo mid ka mid ah taageerayaasha oo la guddoonsiiyay Mooto uu ku socdo maadaama uu ka mid yahay dadka baahiyaha gaarka qaba.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Mudane Faarax Cadaani Maxamed oo madasha ka hadlay ayaa hambalyeeyay guusha Naadiga Degmada Kaaraan, iyagoona u mahadceliyay dhamaan bahdii howsha xooganeed kasoo qabatay tartankii Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad 2024.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Odayaasha dhaqanka, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal, Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta G/Banaadir, Guddoomiyaha Ururka Haweenka G/Banaadir, Guddoomiyaha Dhalinyaradda G/Banaadir iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
May be an image of 6 people and crowdMay be an image of 7 people, people playing football and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 7 people and people smilingMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people, people playing basketball and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of one or more people, crowd and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 9 people and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of one or more people, crowd and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 8 people, motorcycle, dais and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 3 people and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 8 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here