Ciidamada Israa’iil ayaa weerarro dheeraad ah ku qaaday laba magaalo oo ku yaalla gobolka taariikhiga ah ee Baalbek ee dalka Lubnaan, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 19 qof oo ay ku jiraan siddeed haween ah.
Ra’iisul wasaaraha ku meel gaadhka ah ee Lubnaan Najib Mikati ayaa sheegay in uu rajaynayo in heshiis xabbad joojin ah oo lala galo Israa’iil lagu dhawaaqo saacadaha ama maalmaha soo socda iyadoo ergayga Maraykanka Amos Hochstein uu gobolka u safrayo wadahadalo nabadeed.
Saraakiisha waqooyiga Gaza ayaa ku dhawaaqay Beit Lahiya inay tahay aag musiibo iyadoo duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israa’iil ay sii wadaan inay sababaan khasaare shacab oo tiro badan.
Ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarkii ugu dambeeyay.
Xasuuqa Israa’iil ee Gaza ayaa dilay ugu yaraan 43,163 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 101,510 kale tan iyo Oktoobar 7, 2023. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii ay socdeen weerarrada ay Xamaas hormuudka ka tahay, in ka badan 200na waa la qafaashay.
Lubnaan, ugu yaraan 2,822 qof ayaa lagu dilay 12,937 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM