Wararka laga helaayo Dalka Koofur-Afrika ayaa sheegaya in Wiil Soomaaliyeed oo da’yar ahaa lagu dilay deegaan hoose taga Magaalada Cape Town xili uu howl-maalmeedkiisa ku jirey.
Dilkaa Wiilkaan Soomaaliyeed rabi ha u naxariistee waxaa fuliyay Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika kuwaasoo wiilka ugu tageen goobtiisa ganacsi oo ku taal deegaanka khayalisha oo hoos tagta Magaalada Cape Town.
Wiilka Soomaaliga ah ee la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Suleymaan Axmed Maxamuud Allaha u naxariistee,burcada ayaa hore u qaadatay hantidii tukaanka taalay markii ay dileen wiilka.
Booliiska ayaa goobta gaaray xili ay baxsadeen burcadii dilka fulisay sidii caadada u ahayd waxay sameeyeen baaritaano aan wax macna leh soo kordhineyn mar hadii Soomaalida aaney naftoodana difaaci karin,hantidooda difaaci karin islamarkaana kuwa wax dila aysan soo qaban karin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM