MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haram-cad iyo kuwa Qeybta Guud ee Boliiska ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxay howlgalo ka sameeyeen qaar ka mida degmooyinka Muqdisho.
Ujeedka howlgaladaan ayuu taliska Booliisku ku sheegey mid lagu xaqiijinaayo amniga Degmooyinka caasimada Somalia ee Gobolka Banaadir.
Askarta ayaa intii ay ku jireen shaqadooda waxay baaritaano ku sameeyeen gaadiidka iyo goobaha ganacsiga, iyagoo saf gelinayay gaadiidka kala duwan si gaari kasta ay u hubiyaan madama waxa ugu badan oo wax lagu kala gudbiyo ay gaadiidka yihiin.
Saraakiisha howgalkan hoggaaminayay waxay shacabka ka xog wareysteen falalka amni darro ee ay la kulmaan,xili ay shacabka farayeen inay la soo xiriiiraan Booliiska gaar ahaan lambarka gaaban.
Talaabooyinkaan ayay Dowladu qaaday kadib dilal maalmihii ugu dambeysay ka dhacayay Magaalada Muqdisho kuwaasoo lagu bartilmameedsanayay ganacsatada xiratay kaamirooyinka qarsoon.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement