Muqdisho, 30 October 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Shirweynaha 5-aad ee Hogaanka iyo Hal-abuurka dhalinyarada, kaasi oo loogu hadlaayo doorka ay dhalinyarada ku dhex leeyihiin bulshada.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in aan la dhayalsan karin doorka dhalinyarada, isla markaana ay yihiin laf-dhabarka bulshada, waxa uuna kula dar-daarmay in lagu dadaalo waxbarashada, ayna isku gurmadaan dhalinyarada si usoo bandhigaan hal abuurkooda.
Shirkaan oo socon doonna muddo labo maalmood ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Somali Youth Leadership Center iyo Arkaan Leadership and Innovation Hub oo kaashanaaya Xafiiska La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha bulshada.
Duqa Muqdisho wuxuu xusay inuu ku faraxsan yahay inuu dhalinyarada kala soo qeybgalo shir ay aayahooda kaga tashanayaan,sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay dalka amnigiisa ka shaqeeyaan.
“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan ka rabnaa ineey dalka ka Xoreeyaan kooxda Khawaarijta.” ayuu yiri Guddoomiye Madaale
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
Advertisement