Israa’iil ayaa weli sii wadda duqeymaha dhimashada badan ee ay ka geysanayso koonfurta Lubnaan, iyadoo haween iyo carruur badan ay ka mid yihiin 15-kii qof ee lagu dilay weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Sarafand iyo Haret Saida oo u dhow magaalada Sidon.
Ugu yaraan 143 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee guud ahaan Gaza Talaadadii, iyadoo 132 ka mid ah dadkaas lagu dilay waqooyiga dhulka lagu dagaallamayo, sida ay ilo-wareedyo caafimaad u sheegeen Al Jazeera.
Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warramaysa in ugu yaraan 33 askari oo Israa’iiliyiin ah lagu dilay dagaallada ka socda koonfurta Lubnaan tan iyo bilowgii bishan xilli ay Israa’iil weerarro dhulka ah ku qaadday dhulka Lubnaan.
Gaza, ugu yaraan 43,061 qof ayaa lagu dilay 101,223 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, 2023. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii ay socdeen weerarrada ay Xamaas hormuudka ka tahay, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
Dalka Lubnaan, ugu yaraan 2,787 qof ayaa lagu dilay 12,772 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka Qaza billowday, iyadoo 77 qof lagu dilay duqeymo ka dhacay dalkaas Talaadadii oo keliya.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM