MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulankii xalay uu casha sharafta ugu sameeyay xildhibaanada Soomaaliyeed ayna goob joog ka ahaayeen madaxweynayaasha maamulada Galmudug,Koofur-galbeed iyo Hirshabelle wuxuu ku soo hadal qaaday arinta maamul Goboleedyada khilaafku kala dhaxeeyo Dowlada Faderaalka Somalia.

Madaxweynaha oo dadaal ugu jira qorshihiisa siyaasadeed uu ku doonayo inuu dalka uga hirgeliyo doorashada madaxweynaha ee qof iyo cod ayaa xalay ku nuux nuuxsaday in midnimo loo baahan yahay.

Advertisement

Madaxweyne Xasan wuxuu baaq nabadeed iyo wada hadal ugu baaqay Maamulada Puntland iyo Jubaland kuwaasoo shirka Golaja wada-tashiga uga maqan waxyaabo ay Dowlada ka tirsanayaan.

Madaxweynaha wuxuu xalay ku dhawaaqay inay Dowladu diyaar la tahay inay la fadhiisato madaxda maamuladaasi oo waliba ay xarumahooda ugu tagto.

“Walaalaheen naga aragtida duwan waa la hadlaynaa haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan, Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa, Maanta dadkeenna waxaa u furan fursad weyn oo ay ku gaari karaan rajadooda””ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“waxaana si wadajir ah uga shaqeynaynaa adkaynta amniga dalka, dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu ” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 7 people and dais

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here