Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 17-aad ee Golaha Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka oo ka koobnaa ilaa iyo saddex ajande ayaa kala ahaa,
1- Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada,
2- Akhrinta kowwaad Hindise-sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka & Takoorka iyo
3- Akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir-Beereedka.
Ugu horrayn Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Sanatarrada Aqalka Sare faahfaahin guud ka siiyay muhiimadda Hindise-sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka, Hindise-sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir-Beereedka, isagoo xusay muhiimadda ay sharciyadan dalka iyo beeralayda Soomaaliyeed u leeyihiin isla markaana loo baahan yahay inta aan la xidhin kalfadhiga shanaad la ansixiyo.
Intaas ka dib, Sanatar Siciid Cabdi Xuseen oo ka mid ah xubnaha Guddiga Garsoorka iyo Xuquuqul Insaanka Aqalka Sare, ayaa dhankiisa Sanatarrada Aqalka Sare u dulmartay akhrinta Saddexaad sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed oo ay ku soo biiriyeen aragti iyo talooyin kale oo ay soo-jeediyeen Sanatarrada Aqalka Sare isagoo ka codsaday guddoonka iyo sanatarrada sharafleh in ay ansixiyaan sharcigan.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Aqalka Sare, ayaa cod galiyey Sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed waxaana waajibaadkooda ka gutay sanatarrada Aqalka Sare iyagoo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, mana jirin senator diiday ama ka aamusay, waxaana sidaas kulanka ku soo xidhay guddoomiyaha Aqalka Sare.
DHAMMAAD
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisNo photo description available.May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and newsroomNo photo description available.May be an image of 5 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people and textNo photo description available.May be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisNo photo description available.May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textNo photo description available.No photo description available.May be an image of 7 people and daisMay be an image of 16 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here