Sida lagu baahiyay TV-ga Qaranka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal lagu baacsanaya kooxda Khawaarijta ka wada dhulka howdka ah ee dhaca gobollada Baay iyo Gedo, halkaasi oo maleeshiyada nabadiidka ah ay shacabka ku dhibaateynayeen.
Ciidanka ayaa burburiyay goobo ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, halkaasi oo ay dadka shacabka ah ee ku safra waddooyinka goboladaasi isku xira kaga qaadi jireen lacago baad ah.
Taliyaha Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed L/X/le Axmed Maxamed Nuur ( Axmed Dhageey ) ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan, islamarkaana ay qeyb ka yihiin dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.
Advertisement