QAHIRA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israel ayaa ugu yaraan 53 qof ku dileen Gaza iyo 21 qof kalana ku dileen Dalka Lubnaan Axadii iyadoo madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu muujiyay naxdinta heerarka dhimashada, dhaawaca iyo burburka ee waqooyiga Gaza.
Masar ayaa soo jeedisay xabbad-joojin laba maalmood ah oo xaddidan oo ka dhacda Gaza si afar Israa’iiliyiin ah loogu beddelo maxaabiis falastiiniyiin ah iyadoo wadahadallo lagu soo afjarayo dagaalka sannadka ah uu dib uga billowday caasimadda Qatar ee Dooxa.
Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Tehran aysan raadinayn dagaal, balse ay siin doonto “jawaab ku haboon” weeraradii ugu dambeeyay ee Israel, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. Gaza,
Ugu yaraan 42,924 qof ayaa lagu dilay 100,833 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, 2023. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii ay socdeen weerarrada ay Xamaas hormuudka ka tahay, in ka badan 200 oo kalena waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM