Ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda ee  UPDF ayaa ilaalo amni siiyey Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Hon. Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo Booqasho ku joogey Baraawe, si uu uqiimeeyo xaalada Amni, una xoojiyo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo udiyaargarowga doorashada baarlamaanka ee soo socota.

Wuxuu ammaanay Ciidamada #ATMIS sida ay u xoojiyeen #nabadda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay wadashaqeynta ay la leeyihiin ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa booliiska soomaaliyeed. Maxamed waxa uu sidoo kale amaanay ilaalada wadajirka ah ee #ATMIS #UPDF ee lagu yareynayo dambiyada korna loogu qaadayo xoriyada.

Advertisement

Taliyaha Ciidamada #ATMIS, G/sare. Michael Walaka Hyeroba ayaa mar kale xaqiijiyay in #ATMIS ay ka go’an tahay #Nabada, wuxuuna ku booriyay bulshada inay feejignaadaan. Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha degmada Baraawe Sheekh Cumar iyo madax kale oo muhiim ah oo dhanka amniga ah.
#ATMISIyoqaybaheeda.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here