Wasiirada Wasaaraddaha Caafimaadka, Waxbarashada Dr. Cali Xaaji iyo Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo xubnaha kale ee guddiga gurmad qaran ee u xil saaran ka war-qabka xaaladda dadka ay saameeyeen qaraxyadii waaweynaa ee dalka ka dhacay, ayaa shalay kulan muhiim ah ku yeeshay Isbitaalka weyn ee Madiina.
Shirkaan ayaa looga hadlay u diyaar-garowga dhaah-furka xarunta cusub ee daryeelka dhaawacyada u baahan gargaarka deg-degga ah oo laga hirgaliyay gudaha Isbitaalka, sidoo kale guddigaan waxaa ay kawada hadleen wixii guddiga u qabsoomay tan iyo qaraxii Soobe 2, sida taageeradii nololeed iyo taakuladii dhaqaale iyo waxbarasho ee la siiyay dadka waxyeelladu gaartay iyo xarumaha gurmad ee la dhisay ama la howl-galiyay tan iyo markii guddigaan la howlgeliyay.