No photo description available.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Batroolka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay map qaldan oo uu shalay ku soo bandhigay xafladii lagu soo dhaweynayay Markabka turkida ee baaraya shidaalka Somalia isagoo ugu horeyn raali gelin ka bixiyay map-ka qaldanaa uu soo bandhigay.

Advertisement

Wasiirka mar uu ka hadlayay sababta qaladkaasi ku yimid ayaa iska fogeeyay inuu xagiisa ka yimid, wuxuuna xusay in map-ka oo ahaa mid hore ay soo daabaceen shirkadii qaabilsaneyd naqshadeynta xaflada.

“raali gelin baan ka bixineynaa qaladka dhacay oo ahaa mid ka yimid dhanka shirkadda qaban-qaabineysay munaasabadda”ayuu yiri wasiir C/risaaq.

Sidoo kale Wasiirka wuxuu tilmaamay in agaasimaha guud ee wasaarada uu u xilsaarnaa shaqada xaflada,isla markaana uu isaga ka dalbaday inuu soo kala cadeeyo waxa keenay qariidadaan hore.

Wasiirka wuxuu intaasi ku daray in qaladka la cadeeyay inuu ka yimid shirkada qandaraaska lagu siiyay qaban qaabada xaflada kuwaasoo soo daabacday qariidad la sameeyay ka hor intaan hirshabelle la sameyn.

Dhanka kale Wasiirka wuxuu ka hadlay warkii ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Dani wuxuuna carabka ku dhuftay in Saciid Dani uu garan waayay qariidad la sameeyay 2015-kii.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of textMay be an image of text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here