Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha maamulka Hirshabelle uu aad uga carooday map-ka Somalia ee shalay Wasaarada Batroolka ay ku soo bandhigtay Dekada Muqdisho intii uu socday xafladii lagu soo dhaweynayay markabkii Turkida ee baaraya shidaalka Somalia.

Map-kaan oo ahaa mid qaldan oo soo baxay sanadkii 2011-kii ayaa  waxaa ka buuxa qaladaad badan sida in map-ka gabi ahaanba uu meesha ka saaray jiritaanka Maamulka Hirshabelle madaama uu soo baxay ka hor dhismaha maamulkaasi.

Advertisement

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Hirshaballe arintaasi darteed uu qarka u saaran yahay inuu qaadaco ka qeybgalka shirka Golaha wada-tashida hadii Dowladu raali gelin ka bixin weyso.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabelle ay qadka teelka ku wada hadleen ayna isku yara fahmi waayeen sababta qaladkaasi looga galay Hirshabelle inkastoo madaxweyne Xasan shaqo ku lahayn oo qaladku yahay mid ka dhacay wasiirka Baroolka C/risaaq Cumar oo asala ahaan laftigiisu ka soo jeedo Hirshabelle.

Waxaa socota waan waan lagu xalinayo xiisada ka dhalatay map-kaasi oo xitaa uu ka carooday Madaxweynaha Puntland Sacidi C/laahi Dani madaama map-ku qeeyxayo in Puntland leedahay xuduud colaadi ka jirto ,saciid dani wuxuu ku tilmaamay map-kaani mid hada abuuraya xasarad.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of map and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here