Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow horana u soo noqday Wasiirkii hore ee Amniga Dowladii Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay qariidad ama maap-ka somalia oo shalay uu soo bandhigay Wasiirka Batroolka Somalia C/risaaq Cumar kaasoo qaladaad badan uu ku jirey.
Qaladaadka ku jirey waxaa ka mid ahaa in Gaalkacyo iyo gobolka Sool ay qariidadu ka dhigeysay meel qad cas ah oo dagaalo ka jiraan sidoo kale wuxuu map-kaani kala qeybiyay Maamulka Hirshaberlle taasoo sababtay inay ka caroodaan madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabelle.
“Waxaa Nasiib darro ah in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xilligan faafiso Maabka Soomaaliya oo dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka dhigaya inuu yahay laba Gobol”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow
Sidoo kale Xildhibaanka wuxuu canbaareynayay Map-kaasi isagoona wasiirka Batroolka ku eedeeyay  adeegsato Khariirad la diyaariyay sanadkii 2011, taasoo abuureysa kala qeybin iyo xiisado siyaasadeed sida xildhibaanku xusay.
Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Abukar wuxuu u soo jeediyay Wasiirka Batroolka Somalia C/risaaq Cumar inuu raali-gelin ka bixiyo map-kaasi uu shalay ku soo bandhigay Dekada Muqdisho xili ay ka socotay xafladii lagu sagootinayay markabka baaraya shidaalka Somalia ee laga leeyahay dalka Turkiga.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 3 people and newsroom
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here