Qore: Yahya Amir
Shidaalka iyo is riixriixa, Miyi iyo Magaalo.
Nin Reer Miyi ah ayaa maqlay. Waxaa deegaankiina laga helay Ceel shidaal. ( F.S:1aad).
Waxa uu yiri: Ar ii soo qabta Wadaanta aan Dhunsadee, Haanta aan ka buuxsado, Bocortana Nafto aan ku shubto. (F.S:2-4aad)
Waxaa lagu yiri: yaad ka boobee?. Waxa uu yiri: waxaan ka baqaynaa Reer Magaal, in Ganacsato iyo Siyaasiyiin isku heeysto Qandaraas ay noo yimaadiin, oo Annaga iyo Reer Hebel oo hore Ceel Biya xaraar ugu dagaalnay kana heshiinay in ay haddana Dab naga dhax shidaan.
Waxaa lagu yiri: Taas haka baqin, kii isku dayo Talaabaa laga qaadaa.
Waxa uu yiri: wax badan ayaad na tiriheen Talaabaa laga qaadaa. In laga qaado waa rabnaa, in Sidaal la helo oo Dadka iyo Dalka looga Faa’iideeyo waa rabnaa, in Cadaalad wax lagu qeybsado waa rabnaa.
Siyaasi iyo Ganacsataan aqaane, intaan dhibkoodu na soo gaarin Dowladda ha naga qabato, ama Kabrid ayaan qaadeynaa asaan Ceelka Afka uga qabeeynaa, hadaan Ganacsato iyo Siyaasi Daniistaa nalaga qaban. ( F.S:5aad)
Alloow naga qabo inta Horuumarkeena diidan, Allow Naga qabo Ganacsade iyo Siyaasi qandaraas Baddeed Xirto.
Qore: Yahya Amir.