Hay’adda difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa sheegtay in 12 Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil la beegsadeen dad sugayay in ay helaan gargaar bini’aadantinimo oo aad loogu baahan yahay waqooyiga go’doonsan.

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in weerarka waqooyiga Gaza ee Israa’iil uu noqon karo dambiyo aad u xun…

Advertisement

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in tobaneeyo askari oo Israa’iiliyiin ah ay ku dileen kuna dhaawaceen duleedka magaalada Odaisseh ee koonfurta Lubnaan, iyadoo ay weli socdaan dagaallo culus oo dhulka ah.

Weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen Khan Younis ayaa lagu dilay ugu yaraan 38 qof oo ka soo jeeda hal qoys, oo ay ku jiraan 14 carruur ah.

Saddex wariye oo soo tabinayay dagaalka Israa’iil ay kula jirto Lubnaan ayaa lagu dilay weerar qorsheysan oo ay Israa’iil ku qaadday guri ay degganaayeen oo ku yaalla deegaanka Hasbaiyya ee koonfurta Lubnaan.

Gaza, ugu yaraan 42,847 qof ayaa lagu dilay 100,544 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, 2023. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii ay socdeen weerarrada ay Xamaas hormuudka ka tahay, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here