ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Warar laga helay dhanka Maamulka Somaliland ayaa sheeaya in Wasiirkooda u qaabilsan arimaha dibada lagu bah-dilay Magaalada Adis-ababa ee xarunta Dalka Itoobiya kadib markii uu socdaal ku tagay saacadihii ugu danbeeyay.

Wararkaan oo aan dhankooda wali laga xaqiijin ayaa tilmaamaya in Wasiirku iska tagay adis-ababa kadibna markii uu tagay xafiisyada Dowlada Itoobiya la weydiiyay cida casuuntay markii uu wax cadeyna la imaan waayayna waxaa lagu amrnay inuu ku laabto halkii uu ka yimid.

Meelaha uu tagay waxaa ka mida xafiiska Ra’iisulwasaare Abiy Axmed balse waxaa loo sheegay inaysan jirin wax masuul ah oo qaabilaya marka loo eego madaxda Dowlada Itoobiya  taasina waxaysoo dedejisay inuu waji gabax kula laabto Magaalada Hargeysa.

Advertisement
lama yaqaan sababta Itoobiya u bahdilayaan madaxda Maamulka waqooyiga Somalia ee somaliland balse waxaa loo badaniyaa in Itoobiya ogaatay ineysan socon karin qorshahii ay rabeen ee ahaa  fulinta heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhex maray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi kaasoo dhigayay in 20 KM oo ah iyo saldhiga milatari laga kireeyo Itoobiya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Essa Kayd - Wikipedia
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here