=XIGASHO BBC SOMALI=

Goob ay booliiska baarayaan

Advertisement

Magaalada Nairobi waxaa lagu dilay 3 haween ah oo hal qoys ka soo wada jeeda maalintii shalaya ahayd, sida ay sheegeen qaraabadooda oo la hadlay BBC da.

Haweenka al dilay oo dhammaantood Soomaali ahaa ayaa waxaa meydadkooda laga kala helay goobo kala duwan.

Dhacdadaan oo ilaa shalay galinkii dambe aad looga hadalhayay dalka Kenya gaar ahaan bulshada Soomaalida ee ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, ayaa abuurtay walaac.

Maydka dumarka oo ahaa hooyo iyo laba gabdhood oo Soomaali ah ayaa laga helay qaybo kamid ah dalka Kenya.

Hooyada ayaa maydkeeda laga helay magaalada Machakos oo caasimadda Nairobi u jirta 61 kilo mitir, sida ay sheegeen qoyskeeda.

Booliiska dalka Kenya ayaa wali wada baaritaan ku saabsan dhacdadani.

Msuuliyiinta goobta lagu keydiyo meydadka oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay, in meydadka uu ka muuqdo jir dil badan balse ay ku wareejiyeen khubarada ku xeel-dheer baarirada meydadka.Islii

Sidee wax u dhaceen?

Qaar ka mid ah ehelada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay dalbadeen cadaalad iyo in arrintan baaritaan fiican lagu sameeyo si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeyay.

Maxamed Guuleed oo ka tirsan qaraabada gabdhahala dilay ayaa BBC u sheegay in dhacdadani ay aad uga argagaxeen falkaan.

Guuleed oo ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in hooyada ay subaxii hore aaday isbataal ka dib-na la waayay.

“Maamada al dilay isbataal ayay rabtay inay aado. Gurigeeda ayaa waxay ka baxday labo saac oo habeennimo ka dib dib dambe uma aysan so hadlin meel ay jirto ayaa la wayay” ayuu yiri Guuleed.

Waxaa uu intaa ku daray in dhawr saacado kadib taleefanka haweeneyda laga soo wacay labada gabdhood oo ay mid dhashay mid kalana ay habaryar u ahayd oo guriga wada joogay, iyada oo loo sheegay in ay hooyadood ay taalo isbitaal, lagana codsaday in ay u yimaadaan.

Guuleed ayaa xusay in gabdha markii la soo wacay ka dib ay aadaan goobtii ay hooyada joogtay iyaga oo qaatay gaari, balse iyaga qudhooda ay dib dambe war looga maqal, ilaa maydkooda la helay subaxii.

Baaritaan ay qoysku sameeyeen kadib ayuu sheegay in meydadka saddex dumar ah ay ka soo heleen goobo kala duwan, ayna isugu soo aruuriyeen qolka maydadka lagu keydiyo.

Waxaa uu sheegay in markii uu warka soo gaaray ay noqotay in meydadka oo meelo kala duwan laga helay ay soo uruuriyaan lana geeyo goobta meydadka lagu keydiyo.

“Saddexda qof-ba meydadkooda meelo kala duwan ayaa laga [soo helay], gabadha mid waxaa la dhigay Parkland,” ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyay in mid kalana meydkeeda laga soo helay Machakos oo banaanka ka ah Nairobi.

Mid ka mdi ah gabdhaha la dilay ayaa la sheegay in ay da’deeda ahayd 11 jir, waana gabadha ay dhashay haweeneyda la waayay markii hore.

Maxamed Guuleed ayaa sheegay in macluumaadka iyo sida ay wax u dhaceen ay dowladda u gudbiyeen islamarkana ay ku daba jiraan oo ay baarayaan.

Ma aha markii ugu horeysay oo dad sidan oo akle loogu dilay dalka Kenya islamarkana waxaa jira dhowr dhacdo muddooyiinkii u dmabeeyay ka dhacayay gudaha Kenya.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here