Geesiyasha Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa ka hor tagay weerar dhaqarqabayaal ka tirsan Argagaxisada ay doonayeen in ay ku qaadaan fariisin ciidanka ay ku lahaayeen meel udhaw Deegaanka Bood oo ku yaala Xuduudka Gobalada Hiiraan iyo Galgaduud.

Ciidanka Xaq udirirka ah ee Deegaanka Ayaa jilbaha ulaaabtay cadowga waxaana dagaal socday wax ka badan hal saac ciidanka ay kasoo hooyeen guul taariikhi ah iyadoo jab xoogan lagu gaarsiiyay Argagaxisada.

Advertisement

Tiro dhaawacyo iyo dhimasho ah ayaa maleeshiyaadka Argagaxisada lagu gaarsiiyay dagaalka waxaana deegaanada ah Ceel Xasan Cali, Xintumaal iyo Deegaanka Darqoojis ay geeyeen Meydadka iyo dhaawacyadii ka gaaray dagaalka.

Saraakiisha qeybta ka ahaa howlgalkan ayaa warbaahinta CQS u sheegay in mar kasta ay u taagan tihiin difaaca shacabka ay u dhaarteen.

XIGASHO: Radiyaha Ciidamada Dowlada

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here