NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Afar nin oo u dhashay dalka Turkey islamarkaana u joogay dalka Kenya qaab magan-gelyo doon ah ayaa lagu eedeeyay Dowlada Kenya inay dadkaasi si qasab ah ugu gacan gelisay Dowlada Turkey.

Jimcihii ayaa warbaahintu dunidu baahisay in 7 ruux oo ajanib ah ciidamada Kenya ka afduubteen Nairoobi taasoo ugu dambeyn saacadihii ugu dambeeyay la helay warka ah in 4 ka mida dadkaasi oo turkiga u dhashay si qasab ah looga masaafuriyay Kenya iyadoo loo gacan geliyay dowlada Turkey.

Advertisement

Wasaarada arimaha Dibada kenaya ayaa shaacisay in Dowlada Turkey ay ka codsatay in dadkaasi dalkeeda u dhashay loo gacan geliyo sidaasna ay ku dhiibeen.

Hay’ada Qaramada Midoobe qeybteeda qaxootiga qaabilsan ayaa cambareysay falka Turkida qaxootiga ahaa islamarkaana magangelya doonka ahaa ay Dowlada Kenya sida qasabka ah ku masaafurisay.

Hay’ada UNHCR waxay Dowlada Kenya u soo jeedisay inay u hogaansato shuruucda dadka magangalyo doonka ah taasoo diideysa in loo gacan geliyo meel aysan raali ka ahayn oo markii horaba ay ka soo carareen.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here