Muqdisho, 21 October 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Wang Yu, iyaga oo kawada hadlay arrima dhowr ah oo la xariira horumarinta Caasimadda iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Kulankan oo goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa diirada lagu saaray arrima ay kamid yihiin, Dardargalinta mashaariicda lagu horumarinayo bilicda Caasimadda gaar ahaan Dhismaha Waddooyinka, dib u howlgalinta Bulaacadaha Biyamareenada ah, dhismaha Warshadaha wax soo saarka, Mataaneenta Magaalooyinka Muqdisho iyo Beijing.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Wang Yu ayaa isku afgartay in la dadajiyo fulinta qodobadii kulankan looga hadlay iyo in la hormariyo xariirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
May be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 3 people, suit and daisMay be an image of 3 people and newsroomMay be an image of 7 people, newsroom and textMay be an image of 5 people, newsroom and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here