Xildibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta xukun doonka ah islamarkaana Dowlada mucaaradka ku ah ayaa eedeyn ba’an u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya isagoona ku eedeeyay inuu hanti qaranku leeyahay qasnadiisa gaarka ah ku shubtay.
Qoraal dheer oo uu C/raxmaan C/shukuur soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidan u qorneyd:-

Madaxweynaha dhagaha ayuu ka furaystay farriimaha dadka danyarta ah ee deggan xarunta Kaluumaysiga. Waxaa horay dad danyar looga barakiciyey, qaarkoodna magac dawladeedna lagu iibiyey Xaruntii Dab-damiska, Xeradii Gaadiidka Dowlada Hoose, Xaruntii Dhulbixinta, Xaruntii Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka Ciidanka Asluubta, Qabuuraha Iskool Boolisiya, Wakaaladda Onod, Dhulkii Oodweyne, Xerada Bangala, Xeradii Guulwadayaasha, Hotel Jubba, Bakhaarradi Keydka ee Wasaaradda Beeraha iyo kuwo kale.

Lacagihii laga qaaday midkoodna laguma shubin qasnadda dowladda, waxaana caddayn u ah in aysan miisaaniyadda Baarlamaanka hortaalla dakhli iyo qarashayn meelna kaga jirin. Akoon Madaxweynaha u gaar ah ayaa lagu shubaa.

Advertisement

Dowlad waxa ugu wayn ee ay u jirtaa waa in ay danyarta ilaaliso, laakiin taa caksigeeda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh u waynyahay waxay ilaalisaa danta madaxyaweynta.

Maxaad ka filanaysaa dadka rayadka ah ee tabarta daran ee magaca dowladeed lagu barakicinayo, iyadoo dhulka laga qaadayna loo qaybinayo ganacsato lacag laga qaaday, siyaasiyiin taageero laga rabo, iyo dad ehel iyo asxaab ah oo lagu naasnuujinayo? Ma is leedahay dadkaas ayaa dawlad jeclaanaya?

Ku takrifalka awoodda dolwadeed iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka, gaar ahaan kan nugul, waa sababaha ugu wayn ee horseeday burburkii qaranka, dadkana nacsiiyey dowladnimada.
May be an image of 7 people, hospital and textMay be an image of 10 people, crowd and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here