MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Somalia ayaa Muqdisho waxay ka xireen odayaal ka soo jeeda Beesha Habar-gidir kuwaasoo ku eedeysan inay caasimada ka wadeen hurinta colaad beeleed isla beeshaasi dhexdeeda ah.
Odayaashaan oo tiradooda lagu qiyaasay ku dhawaad 30 inay ahaayeen ayaa lagu hayaa xarunta NISA ee Magaalada Muqdisho halkaasoo su’aalo lagu weydiinayo.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor uu ka danbeeyay xariga odayaashaan madaama halka diirirta Beeleed ay ka socoto ay tahay deegaanada Galmudug.
Qoor Qoor ayaa la sheegay inuu NISA u fududeeyay soo qabashada odayaashaan oo xamar ka waday hurinta colaad beeleed u dhexeysa beelaha Sacad iyo Saleebaan oo habar-gidir ka wada tirsan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here