May be an image of 4 people and dais

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa galabta magacaabay markii ugu horeysay xilka Ra’iisulwasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumadiisa iyo wasiiro iyo Wasiir ku xigeeno cusub.

Advertisement

Qoraalka magacaabista oo uu aqriyay Afhayenka Xukuumada Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa ugu horeyn lagu sheegay in Ra’iisulwasaare Xamza uu Ra’iisulwasaare xigeenka 2-aad u magaxcaabay C/salaan Cabdi Cali  oo ahaa Wasiirka Hawlaha guud.

Ra’iisulwasaare Xamza wuxuu Wasiirka Hawlaha guud  u magacaabay Cilmi Maxamuud Nuur madaama uu baneeyay masuulka loo dhiibay Ra’iisulwasaare xigeenka.

Af-hayeenka oo warqada sii akhrinayay ayaa sidoo kale ku dhawaaqay xilal isugu jira Wasiiro iyo Wasiiro dowlayaal .

1-Wasiirka Shaqada & arrimaha Bulshada
Yuusuf Maxamed Aadan.

2-Wasiirka gaadiidka badda iyo dekedaha
Maxamuud Axmed Aadan

3-Wasiiru dowlaha Cadaalada iyo dastuurka
Ilyaas Shiikh Cumar Abubakar

4-Wasiiru dowlaha Batroolka iyo macdanta
Ismaaciil shire Jaamac

5-Wasiiru dowlada qoyska iyo xuquuqda aadanaha
Maxamed Cusman Cumar

6-Wasiiru dowlaha shaqada & arrimaha bulshada
Ceynaanshe Yusuf Xuseen

7-Wasiiru dowlaha kaluumeysiga & dhaqaalaha buluuga ah
Maxamed Yusuf Xasan

8-Wasiiru dowlaha Wasaarada ganasiga & Warshadaha
Maxamed Nuur Abubakar

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here