Shir sanadeedka labaad ee Furdooyinka Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania.
Kulankani waxa isugu yimid agaasimayaasha Furdooyinka ee EAC iyo khubarro ka socday Furdooyinka dowladaha ku mideysan Ururkan, sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xoghayaha Guud ee EAC Marwa. H.E Veronica M. Nduva.
Ujeedadda kulanka ayaa aheyd dhaqan gelinta heshiisyada muddaysan ee la xiriira howlaha Furdooyinka iyo kobcinta wadashaqeynta dowladaha xubnaha Ururkan.
Dhinaca Soomaaliya waxaa ku matalayay agaasimaha Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Abukar Sheekh Ahmed Mursal iyo Khubaro kale.
Advertisement