May be an image of 2 people
GARISA (DAYNIILE.COM)-Warbaahinta Dalka Kenya waxaa qabsaday wiil Soomaaliyeed oo farsameeyey Earphones nuuca dhagaha ee Mobile-da lagu dhageysto.
Wiilkaan oo ah mid da’yar ayaa lagu magacaabaa Zakaria waana hal abuure dhigta Fasalka Shanaad ee dugsiga Sangaliu ee magaalada Gaarisa.

Wiilkaan yar ee Soomaaliga ah wuxuu farsameeyey Earphones shaqaynaya isaga oo soo bandhigay Farsamo Cajiib ah oo hirgashay.

Wiilkaan wuxuu u baahan yahay in Somalidu ay garab istaago si loogu sii dhiiri geliyo waxa maskaxdiisa ku jira madaama isagoo sidaas u da’yar oo aan xitaa qaangaarin uu farsamadaasi la yimid.

Advertisement
WARIYE XASAN MWALIMU
KENYA DADAB
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here