BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Taliska Ciidanka PSF ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa shaaciyay inay gacanta ku soo dhigeen Sarkaal ajanabi ah oo u dhashay Israa’iil kaasoo u soo safray inuu Somalia kaga biiro Kooxda Daacish qebtooda ka dagaalanta Gobolka Bari ee  Maamulka Puntland.

Advertisement

Taliska Ciidanka PSF  wuxuu shaaciyay in ninkaani oo magaciisa lagu sheegay Cabdalla Mustaf Abu-deyr uu Jaamacad ka dhigan jirey Magaalada Sakhniin ee Israa’iil kadibna uu u soo safray Somali si uu ugu biiro kooxda Daacish.

Mustaf oo magaciisa af-garashadu yahay Saalim ayaa ciidamada Puntland u sheegay inuu isagu go’aansaday inuu Jaamacada ka soo tago kuna biiro kooxda Daacish.

Cabdalla Mustaf Abu-deyr wuxuu jaamacad ka baran jirey cilmiga Injineerinka ka hor intuusan qaadan fikirka ku biirista Daacish.

“Magacaygu waa Cabdalla Mustaf Abu-deyr, magacayga af-garashaduna waa Saalim, waxaan baran jiray kulliyada Injineerinka jaamacad ku taalla magaalada Sakhniin ee Israa’iil” ayuu yiri Cabdalla Mustaf Abu-deyr.

Sarkaalkaan Israa’iiliga ah ee la qabtay wuxuu cadeeyay inuu ku biirey kooxda Daacish uuna tagay buuraha Gobolka Bari halkaasoo ay ku sugayeen koox ka tirsan Daacish

“ 5 ka mida kooxda Daacish ayaa igeysay meel la dhaho Istiqbaal halkaasi oo aan tababar ku qaatay” ayuu mar kale yiri  Abu-deyr.

Si kastaba ciidamada gaarka u tababaran ee PSF kana howlgala degaanada Puntland ayaa hada gacanta ku haya ninkaani Israa’iiliga ah ee Puntland u yimid ku  biirista Daacisha .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here