LUUQ (DAYNIILE.COM)-Dagaal culus ayaa la soo sheegayaa inuu saaka mar kale ka qarxay  degmada Luuq ee gobolka Gedo kaasoo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa in labada maleeshita beeleed isu adgeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan xili ay yihiin dad walaala ah islamarkaana dhul wadaag ah.
Shir dib u heshiisiin ah ayay ahayd shalay markuu Kismaayo ka daah-furey Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe balse waxaa saaka muuqata in xaalku dib u halaabay.
Wararku waxay tilmaamayaan in  maalmihii la soo dhaafay ay Beeluhu isku hor fadhiyeen xaafadaha Degmada Luuq ee saaka xabadu ka bilaabatay.

Dagaalka saaka dib uga bilowday degmada Luuq ayaa imaanaya xilli uu shalay Madaxweynaha Jubbaland Kismaayo shir nabadayn ah uga furay odayaal iyo waxgarad ka socda dhinacyada dirirtu u dhexayso.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here