MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha dibada Somalia  Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay markii ugu horeysay sababta Dowlada Somalia ay Safaarada Itoobiya uga eryi waayeen Madaxtooyada Qaranka.

Wasiirka wuxuu sheegay in Safaarada Itoobiya degtay Madaxtooyada Somalia sanadkii 2007-dii markaasoo ay dalka xoog ku soo galeen islamarkaana ay Maxkamadihii Islaamka ka qabsadeen Magaalada Muqdisho.

Advertisement

Wasiiir Fiqi mar uu ka hadlayay madaama xiriirka labada dal uu xun yahay sababta ay u eryi waayeen safaarada Itoobiya ayuu sheegay  in xilligan dowladda federaalka aysan ku dag dagi karin inay rarto Safaarada Itoobiya.

“Kuma deg degi karo xiligaan in Safaarada Itoobiya aan ka ceyrino Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada sababtoo ah waxay saameyneysaa  Safaaradeena Adis-ababa oo meel wanaagsan ku taal xiligaan”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Dhanka kale mar uu ka hadlayay mustaqbalka sida ay ka yeelayaan safaaradaasi xili labada dal isku fiicneyn ayuu carabka ku adkeeyay inay ku xiran marka xaalada amni uu sidaan ka sii fiicnaado in dhamaan safaaradaha dhan la raro meelo Dowladu u cayintay.

“safaarada Itoobiya iyo kuwa dalalka kalaba amni ahaan ayay madaxtooyada ugu soo dhawaadeen sidaas daraadeed dhamaantood mar-bay dowladu u wada rari doontaa meel loo cayimay marka amniga caasimadu sidan ka fiicnaado”ayuu mar kale yiri Wasiir Fiqi

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here