=Qore: Yahya Amir=
Ra’isul wasaare, ha noo hoos galin. ka fiirso
Khudbadii Xalay 16/10/2024 uu Ra’isul wasaare Md. Xamsa Cabdi Barre uu ka jeediyay Xarunta Gobalka Banadir ee ku saabsaneed in Doorasho Qof iyo Cod ah ay ka dhecidoonto Gobalka Banadir, si ay u soo doortaan Maamulkooda.

Md. RW, Dadku dabaalo ma ahan kaamana ogaal yaro, Doorashada Guud ee Qof iyo Cod ee lagu baaqay waan soo dhaweyneynaa, waana kuwa Dadka ku matalayo Heer Qaran, Doorashada Qof iyo Cod iyo Tirakoobka guud ee Golaha shacabku ansixiyay ama Dastuurku ogolaaday waa tan Qaranka oo Dalka oo dhan si siman oo cadaalad ah uga dhecee. Laakin mid ha isku dayin in aad noo hoos galiso, ma jirto Magaalo Dadkii Deegaanka kuwa aan aheyn ay u codeeyeen Maamulkeeda u gaarka ah ee Dowladda Hoose.

Md. RW. ha isku ceebeyn wax aad ku fashilmi karto, haddii Adiga laftaada ay isaga kaa darsameen Labada doorasho ama Xulasho, xuquuq gaara oo Dadka deegaanku xaq u leeyihiin haku Xad gudbin, Dulmi iyo Dab huraayo yaan laguugu hor kicin.

FG: Siyaasadda Guud waan kugu taageersanahay haddii Maslaxadda ummaddu ku jirto, laakin haku riyoon in aad dhaxal Dad gaar ah leeyihiin aad ku xad gudubto.

Wixii Cawaaqib xumaa ee ka yimaad masuuliyadeeda Madaxda oo dhan ayaa leh. Dulmina idinka yeeli meeyno. Dulmi Doqon kugu taageero waayi meeysid, kuwo kaa diidana la waayi maayo. Warku ha cadaado, Ogaal u lahaada.

Guul ayaan kuugu rajeynaa, Xilka Qaran ee aad heeyso.

FG: Gudoomiyaha Gobalka Banadir, Md. Yusuf Xuseen Jimacale ” Madaale” waxaan ku Xasuusineynaa, Xilka aad Bulshada Gobalka u heeyso iyo qancinta Xukuumaddu yeeyna isaga kaa darsamin, Sida wax u jiraan noo sheeg, waxaad qarsato waa ku qarsadaan, qajajac ha is galin Adiguna, sharafkaaga ilaasho.

FG: Haba yaraatee ma jirto Qof Somaliya oo Xamar loo diidanyahay, xamar waa in loo dhisaa maamulkeeda sida Magaaloyinka kale ee Dalka, Dadkana waa in loo sheegaa Xuduuda Sharci ee Maamul ee Farqiga u dhexeeyo Caasimad iyo Maamulka deegaan ee Dowladda Hoose.
Qore: Yahya Amir
May be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here