Qarax uu ka danbeeyay ruux naftii halige ah ayaa galabta lala beegsaday maqaaxi la sheegay inay ku taal nawaaxiga Iskool Bolisiyo oo ah xarun aad loo ilaaliyo.

Qaraxa waxaa ku dhintay dad gaaraya ilaa 7 ruux oo ay ku jiraan shacab,saraakiil booliis iyo Abwaankii caanka ahaa Abwaan Sugale halka tira kalana ay ku dhaawacmeen.

Advertisement

Taliska Booliiska ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sharaxay qaraxaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Qoraalka Booliiska ayaa sidan u qornaa:-

Maanta oo Taariikhda Tahay 17-oct-2024 abaaro 15:27pm ama 03:27pm ayaa Ruux Naftii Halige ah oo isku Soo xirey Walxaha Qarxa ku Qarxay xaafadda isku raranta ah ee Kasoo Horjeeda Barxada Iskool Boliisiiya halkaas oo ay ku yaalaan Geedo ay Dadka Meesha Degan Harsadaan.

Qasaaraha Hordhaca ah oo laxaqiijiyey waxay kala yihiin:-
Dhimashada 07 Ruux oo isugu Jira Ciidan iyo Shacab iyo dhaawaca ilaa 6 Ruux kuwaasoo u badan Dhaawac fudud.
May be an image of text that says "SOMALI SOMALI POLICE FORCE"

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here