Jubaland,17 October 2024 – Hawlgalka Midowga Afrika ee Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si rasmi ah maanta oo Arbaca ah ugu wareejiyay Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya ee SSF Saldhigga hawlgalka ee Kudhaa Forward Operating Base (FOB).

Kudhaa FOB, oo ku taalla Jubbada Hoose, ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2015-kii gacanta ku hayay ATMIS Ciidamada Difaaca Kenya (KDF), waxayna door muhiim ah ka qaadatay ilaalinta magaalada Kismaayo oo ah goob istiraatiiji ah.

Advertisement

Deegaankan ayaa waxaa Al-shabaab ka saaray ATMIS iyo SSF sannadkii 2015-kii, taasoo meesha ka saartay howlgalladii ay kooxdaas ka waday Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha Qaybta Labaad ee ATMIS Brig. Rashiid Seif oo guddoominayay munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday ATMIS,Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNAF) iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha ATMIS-ta Militariga, Col. Suleymaan Ibraahim; Madaxa Xarunta Hawlgallada Taageerada Wadajirka ah (JSOC), Sekou Trawally; Wakiilka SNAF, Maj. Sakariye Maxamed Cumar; Taliyaha FOB ee soo socda, Maj. Hud Tohwari; Taliyaha FOB ee xilka ka sii degaya, Maj. Joseph Kamaret iyo wakiilka Unugyada Qorshaynta Kala-guurka ee UNSOS Santosh Koka.

“Wareejintan waxay muujinaysaa kartida iyo rabitaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si ay u sii wado la wareegida mas’uuliyadda amniga, oo ay taageerto ATMIS,” ayuu yiri Col. Ibraahim ATMIS Wakiilka Xarunta Dhexe ee Ciidanka.

Wuxuu sidoo kale ku ammaanay ciidamada KDF sida ay u sugeen ammaanka Jubbada Hoose, wuxuuna kula dar daarmay ciidamada soo socda ee XDS in ay feejignaadaan oo ay ilaaliyaan dhaxalkii ay ka tageen kuwii iyaga ka horeeyay.

Brig. Seif, Taliyaha Qeybta Labaad ee ATMIS, ayaa uga mahad celiyay ciidamada ATMIS KDF sida ay uga go’an tahay nabadda iyo kala guurka ay Soomaalidu hormuudka ka tahay.

“Muddo dheer ayaanu wada-tashiyo ballaadhan galnay, annagoo qorshaynnay ka bixista Kudhaa, maantana waxa aanu marqaati ka nahay halka uu dedaalkayagii ku dhammaaday. Waxaan xaqiijin doonaa in si habsami leh loo socdo, “ayuu yiri Brig. Seif.

Maj. Cumar, wakiilka SNAF, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya KDF, SSF iyo ciidamada Jubaland ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolka.

“Al-Shabaab waxay cadaw ku yihiin Kenya, Soomaaliya, Itoobiya iyo dal kasta oo Afrika iyo caalamka oo dhan ah. Waa inaan si wadajir ah uga shaqeynaa sidii aan u hoos u dhigi lahayn khataraha ay cadawgani wadaan,” ayuu yiri Maj. Cumar.

Maj. Tohwari oo ah Taliyaha Kuday FOB ee xilka la wareegaya ayaa u saxiixay warqadaha xil wareejinta isagoo ka wakiil ah DFS, Col. Ibraahim iyo Koka ayaa u kala saxiixay ATMIS iyo UNSOS.

Taliyaha Qeybta Booliska Kudhaa, Suleymaan Cabdulle Cali, ayaa muujiyay xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin ciidamada ATMIS ee KDF iyada oo loo marayo mashaariicda iskaashiga rayidka iyo militariga (CIMIC).

“Waxaan u mahadcelinaynaa ciidamada KDF ee dhisay laba fasal oo dugsi ah, hal madarasad, dhistay meel kalluunka lagu sugo, oo ay iibsadeen doon, kuwaas oo dhammaantood taageera bulshada deegaanka,” ayuu yiri Cali.

Iyada oo qayb ka ah wareejinta, UNSOS waxa ay SSF ku wareejisay qalab ay Qaramada Midoobay leedahay oo ay ka mid yihiin matoorro, baalal cadceedda, talaajado iyo ceelal riig ah.

ATMIS ayaa ilaa hadda lix FOBs ku wareejisay SSF waxaana la dhimay tirada ciidamada 2,000 taasoo qayb ka ah Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ay ansixiyeen wejigii saddexaad ee dhimista.

FOB-yada kale ee lagu wareejiyay waxaa ka mid ah Bariire, Magaalada Jowhar, Ceel Eglow, Cabdalla Biroolle iyo Orahsan.

                                  =SOURCE ATMIS=

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 2 people, helicopter and text

 

ATMIS HANDS OVER KUDAY MILITARY BASE TO SOMALI ARMED FORCES - 16 October 2024ATMIS HANDS OVER KUDAY MILITARY BASE TO SOMALI ARMED FORCES - 16 October 2024ATMIS HANDS OVER KUDAY MILITARY BASE TO SOMALI ARMED FORCES - 16 October 2024ATMIS HANDS OVER KUDAY MILITARY BASE TO SOMALI ARMED FORCES - 16 October 2024ATMIS HANDS OVER KUDAY MILITARY BASE TO SOMALI ARMED FORCES - 16 October 2024May be an image of 7 people and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here